About The Horn

Tuesday, January 03, 2006

DHULKII ILAAHYADA - QAYBTII LABAAD

Abukar Ali

Xagga afafka addunku qaybaha ay u kala baxaan, af-Soomaaliga waxa lagu tiriyaa inuu ka tirsan yahay bahyarta Kushitigga Bari (Eastern Cushitic) ee ka mida laanta Kushitigga ee qoyska Hamito-Semitic-ga. Afafka qoyska Hamito-Semitic-ga sida caadada ah waxa loo sii kala qaybiyaa laamo ka wakiila lahjado kasoo farcamay afkii waalidka ee asalka ahaa, waxayna kala yihiin Semitic, Egyptian, Berber, Cushitic iyo Chadic.

Bal haddaba iyadoo culumada afafka qaar ka mid ihi ay diideen in xiriir hidde uu ka dhexeeyo afka Chadic-ga iyo laamaha kale ee qoyska Hamito-Semitic-ga, qaar kale way oggolaadeen xiriirkaas. Sidoo kale, iyagoo sabab uga dhigaya tirade ereyada yare e ay wadaagaan afafka Kushitigga Galbeed (West Cushitic) iyo kuwa kale ee laanta Kushitigga, culumada afafka qaarkood waxay go’aamiyeen in afka Kushitigga Galbeed uu yahay laan gaarkeeda u baxda oo ka tirsan qoyska Hamito-Semitic-ga waxayna u bixiyeen Omotic. Isla kuwa kalena waxayba Omotic-ga la xiriiriyeen lahjadda Chadic-ga.

Haddaba marka la fiiriyo ismaan dhaafka weyn ee u dhexeeya culumada afafka kana imaanaya qaababka loo adeegsado kala saaridda afafka, waxay qoraha la tahay in qaababkaas lasii fidiyo. Sida horumarka cusub ee laga gaaray cilmiga hidduhu uu u caddeeyey in dadka adduunka oo dhami ay kasoo jeedaan hal qoys oo qudha, ayaa sidoo kale hadda la ogaaday in afafka adduunkuna ay hal af kasoo farcameen. Sidaas awgeed, qaabka hadda afafka loo kala sooco ee ku salaysan inta ereyada da’da weyn ee ka dhexeysa iyo qaab-naxwaha oo keliya ayaa inta badan sababa is-maan dhaafka ka dhaca culumada afafka. Haddaba waxa qoruhu qabaa sida qudha ee looga gudbi kara is-maan dhaafkaasi inay tahay in qaababka kala saarka lagu baaritaan qaab-dhiska ereyada afka (Etymology). Taasi ma kordhineyso oo keliya aqoonteena ku saabsan taariikhdii hore iyo hiddaha ummadda ee sidoo kale wax ka tareysaa in la ogaado da’da afka iyo weliba xiriirka uu la leeyahay afafka kale.

Nasiib darro, diraasadan qoruhu haddii tixgelin ay hesho waxay dood cusub ka dhex kicineysaa culumada afafka oo markoodii horeba ay ka dhex taagneyd aragtiyo kala duwan iyo is-maan dhaaf. Haseyeeshee, waxa qoruhu qabaa in kastaba ha la’ekaato astaamaha iyo ereyada uu af-Soomaaligu la wadaago afafka kale ee laanta Kushitigga e, jiritaanka ay af-Soomaaliga ku jiraan sanamyadan tirade badan ee waqtiyada fog la caabudi jiray waxay si cad u muujineysaa in afkani uu da’ weyn yahay afafka kale ee bahda la gala dhigay. Waana sababtaas sababta qoruhu uu u arko in loo baahan yahay in baaritaan cusub oo dheeraada lagu sameeyo af-Soomaaliga. Waxa cad oo muuqata in qoraalkani shaki weyn gelinayo qoraalkii jaamacadeed ee borofesoor Maxamed Nuux (PhD. UCLA 1981) kaasoo ku dooday in afka Soomaaligu gooni uga baxay afkii Kushitigga ee waalidka ahaa muddo laga joogo 3000-3500 oo sano. Waxa hadda muuqata in af-Soomaaligu ugu yaraan ka da’ weynyahay bahyarta Kushitigga Bari iyo laanta Kushitigga intaba lana heer yahay bahweynta qoyska Hamito-Semitic-ga.

Shaki la’aan ereyga ugu mudan ee qoruhu baaritaan kiisa ka billaabay wuxuu ahaa magaca ummadda Soomaaliyeed oo hadda ka hor dhowr siyood oo kala duwan loo fasiray. Bal horta marka hore magaca dadkani maaha magac shisheeye u bixiyey ee waa afkeeda hooyo waana So’maal. Af-soomaaliga so’ waxa dhahaa hilibka, oo waxa la oran jiray neefku waa so’ iyo saan- hilib iyo harag. Marka so’maal waa hilib-maal oo macnaheedu waa xoolo ku nool ama xoolo raacato. Sida taariiqda adduunku ay ka marag kacayso, qabiilku waagii hore wuxuu ka billaabmay oo uu ku salaysnaa xirfad inta uuna u gudbin hab abtir ama degaan. Sidoo kale, Soomaalida, oo qoruhu qabo inay tahay ummadda ugu da’da weyn adduunka, iyaduna waxa muuqata waayadii fogaa inay u qaybsami jirtay afar qabiil oo xirfad ku salaysnaa. Afartu waxay kala ahaayeen So’maal, Tu’maal, Baajimaal iyo Biyomaal, xirfadahaas ay ku salaysnaayeen oo kala ahaa xoolo raacato, birtume, dheri sameeye iyo beeraley.

Afarta xirfadood ee ay Soomaalidu u qayb sanaan jirtay marka laga yimaaddo, ereyga kale ee qaddarinta mudan ee ay "maal" ku jirto waa ereyga "dumaal". Marka xubnaha ereyga la kala qaado, du’ macaneedu waa geeri, maaliddanina waa ka faa’ideysi. Marka dumaali waa geerimaal maxaa yeelay qofku wuxuu dhaxlaa oori laga dhintay.

Sida Quraanka kariimka ku taal, sanamka Wad la dhihi jiray wuxuu ka mid ahaa shantii sanam ee waqtigii Nebi Nuux (Naxariisi korkiisa ha ahaatee) la caabudi jiray. Kutubaha taariiqda diimuhu waxay sheegaan in sanamkaas ay lahaayeen dadka Hamitigga oo Soomaaliduna ay ka tirsan tahay. Haddaba baaritaankani wuxuu innoo caddeeyey in sanamka Wad ay Soomaalidu lahayd ee uuna ahayn mid dadka Hamitigga oo dhan ka dhexeeya. Taas waxa u marqaati ah in dadka Soomaalida diinta u haya ilaa waqtiga manta loo yaqaan wadaad. Haddaba ereyga "wadaad" runtii wuxuu ka koobmaa laba xubnood oo kala ah "Wad" iyo "'Aad". Marka wadaadku wuxuu ahaa Wad’aad, oo macnaheedu yahay kii wad qaabilsanaa. Hamsada waxa loo tuuray fududeyn dhawaaqa oo keliya. Waxa kale ee la mida ereyga garaad oo isna markii hore ahaa gar’aad- wuxuna ahaa qareenka reerka iyo aqoon yahanka xeerka iyo garta.

Sanamka kale ee kutubaha taariiqda diimuhu ay dhaheen waxa lahaa dadka Hamitigga, balse la hubo inay Soomaalidu lahayd, wuxuu ahaa Hobal (Hoobal). Sida muuqata, sanamkan, oo waqtiga hadda ah macnihiisii isu gediyey qofka suugaanleyda ama abwaanka, waa sanamka qudha ee weli loogu hadal hayn badan yahay welina addoonsiga ku haysta suugaanta Soomaalida, sida heesaha iyo gabayada. Malaha Soomaalida xiise gaara ayey u yeelan lahayd inay ogaadaan inay carabtii jaahiliga ee Islaamka ka horreysay ay Hobal kasoo qaateen Dhulkii Ilaahyada (Soomaaliyada manta) u lana baxeen "Hubal" si ay dhawaaqa u carabeeyaan. Hubal (Hobal) wuxuu ahaa sanamka ugu weyn ee ay Qureyshi caabudi jirtay Islaamka ka hor.

Malaha qaybta ugu mudan ee baaritaanka qoruhu waxay tahay xiriirkii diineed ee ka dhaxayn jiray Soomaalida iyo Masartii hore ee faraaciinta. Baaritaankan ereyada af-Somaaliga iyo qaab-dhiskoodu wuxuu tusayaa in ugu yaraan shan sanam oo ugu waaweynaa sanamyadii ay faraaciintu caabudi jirtay inay ama la wadaagi jireen amaseba iska lahaayeen dadka af-Soomaaliga ku hadlaa. Tusaale ahaan, sanamkii faraaciinta ee ugu weynaa ama ugu mudnaa waxa la dhihi jiray Rac (marna Ra iyo Re), kaasoo ku magac baxay ilaaha qorraxda. Haddaba Rac, Ra iyo Re saddexduba waxay xubno ka yihiin ereyo af-Soomaaliga ka mida oo weliba xagga dhaqanka iyo hiddaha mudnaan kuleh. Waxa ka mida ereyga mudnaanta diineed leh ee "Gowrac". Ereygu wuxuu ka koobmaa laba xubnood oo kala ah "Gow" ama "Goo" iyo "Rac", manaheeduna wuxuu noqonayaa Rac u goo neefka qoortiisa. Isla ereygaa laftiisa afka Oromada wuxuu ku yahay "Goora’", waana sanamka qudha ee ay nala wadaagaan beesha Kushitigga Bari. Ereyada kale ee af-Somaaliga ee uu sanamka Rack u jiro waxay yihiin Garac (oo ina Rac ka dhigan) iyo Gurrac oo macnihiisu wax qalloocan ama qaldan. Xubnaha ereygu waa Gur oo bidix ah iyo Rac, taasoo macnaheedu yahay waxaasi gurta Rac ama waa qalad aan la socon xeerka rac. Sidoo kale Ra wuxuu ku jiraa magaca boqoraddi Arraweelo (oo xubnihiisu noqonayaan Ar-Ra-Weelo, kana dhigan tii Ra warkiisa yeeshay ama u hoggaansantay. Re sidoo kale isna waxa laga heli karaa magacyada Garre, Barre iyo Carre oo saddexdaba Re uu gadaal kaga jiro. Magaca Barre maaha kii barta lhaa sida loo haystee wuxuu ka kooban yahay Bar oo macnaheedu yahay roob, sida barwaaqo oo kale, iyo Re oo sanamkii la caabudayeya. Waaq oo ay Oromaduna nagu weheliso isagu sanam ma ahayne wuxuu ilaaha cirka iyo dhulkaba sameeyey.

Sanamka kale ee faraaciintii caabudi jirtay ee mudnaanta labaad lahaa wuxuu ahaa Horus. Horus oo ahaa shimbirka aboodiga loo yaqaan, waxa muuqata inay isagana kasoo qaateen Dhulka Ilaahyada. Shimbirka aboodigu waa mid weli kasii muuqda dhaqanka Soomaalida waxana looga cabsadaa umusha iyo ilmaha dhasha. Inta badan ciddiyihiisa ama lafihiisa ayaa ilmaha loo xiraa iyadoo looga cabsanayo jirro loo yaqaan geed sare oo aboodigu wato. Maadaama uu shimbirkaas aboodigu madow yahay, gobollada bari ee dhulka Soomaalida waxa Horuuse loo bixiyaa ninka madow.

Sanamka isna faraaciintu caabudi jirtay ee mudnaanta heerka saddexaad ku lahaa wuxuu ahaa kan loo yiqiin Osiris. Haddaba Giriigga oo sidoodaba ay ku adkaayeen magacyada shisheeye ayaa Osiris u qoraye magiciisa dhabta ihi wuxuu ahaa Isir. Haddaba marka ay Soomaalidu leedahay waxaa ab iyo isir midna u ma lihin, waxay u jeedaan falka sidaasa abtirna iguma soo galo, dhaqan ama diinna iiguma yimaado. Waqtiga hadda ah Isir waxa kale ee loola baxaa magac gabdheed. Isir oo faraaciintu u haysatay ilaaha aakhirada u xilsaaran, waxa dilay bay yiraahdeen Set (sanam kale oo laga yaabo inuu ahaa Seed, magaca Soomaalidu la baxdo). Sidoo kale, Soomaalidu waagii hore waxay sheegi jireen Walcan iyo Wisiir oo iyana aan ka fogeyn wixii ay caabudi jireen.

Labada sanam ee kale ee ay muuqato iyagana inay faraaciintu kala yimaaddeen dhulka ilaahyada waxay kala ahaayeen Nephdeys iyo Bes. Nephdeys oo u eg inuu ahaa "Nafdeys" waxay sheegeen qoraalada faraaciintu inuu ahaa ilaaha nafta bixitaankeeda u xilsaaran., waana sida magucu ku yahay af-Soomaaliga. Ilaaha kale ee Bes isagana waxay sheegeen inuu u xilsaarnaa marka ay naftu baxdo. Af-soomaaliga hadda bes waa qofka nafta laga dhowrayo – naftaasoo faraaciintu ay u haysteen inay la kala wareegaan Nafdeys iyo Bes.

Malaha iyaduna waxa Soomaalida xiiso u yeelan lahayd in ilaaha badda qaabilsanaa ee xadaaraddii hore ee Mayanka la dhihi jiray "Manya", iyadoo la ogyahay in maanyo af-Soomaliga ay ku tahay badda.

Haddaba magac bilaash uma baxee, sababta faraaciintu ay dhulka Soomaalida ugu bixiyeen "Dhulkii Ilaahyada" waxay ahayd dhulkaas oo ahaa xarunta ugu weyn ee diinta ama sanamyada markaa la caabudi jiray. Si kale haddii aynu u sheegno, dhulka Soomaalidu wuxuu ahaa xarunta ugu weyn ee gaalnimada ama shirkiga lagaga faafiyo adduun weynaha intiisa kale. Waxa kale ee intaa dheer, maadaama waqtiyadii hore ay diintu saldhig u ahayd xadaaradda iyo dhaqanka, waxa muuqata inay dhulka Soomaalida ka jirtay xadaarad ama ilbaxnimo da’ weyn oo ka horreysay waalidna u ahayd labadii xadaaradood ee loo haystay inay adduunka ugu horreeyeen ee kala ahaa Sumaria iyo Masartii faraaciinta.

Sidoo kale, baaritaankani wuxuu iftiiminayaa, waa tan horee, inaanuu af-Soomaaligu ka mid ahayn bahyarta lagu tiriyo ee Kushitigga bari (Eastern Cushitic) ama xataa bahweynta Kushitigga midnaba, sida ay muujiyeen sanamyada da’da weyn ee ku jira ama ka mida xubnaha ereyadiisa. Tan labaad, baaritaankani waxa kale uu iftiimiyey in, maadaama dhulka ilaahyadu uu ahaa xarunta ugu da’da weyn ee xagga diinta ee Afrika iyo bariga dhexe, ay u muuqato inay meesha ka jirtay xadaarad ama ilbaxnimo ka horreysay labadii xadaaradood ee Sumaria iyo Masartii faraaciinta. Waxa kale ee iyana intaa raacda in geeska Afrika uu yahay degaanka ugu da’da weyn ee ay wada deggen yihiin labada qolo ee Semitic-ga iyo Hamitic-ga, taasoo sii xoogeyneysa in geesku yahay degaankii ugu horreeyey ee dadku kasoo billaabmay.

Email: abukarali@usfamily.net

0 Comments:

Post a Comment

<< Home