About The Horn

Sunday, January 01, 2006

QUUDHSIGU QIIL MA LEEYAHAY

Maqaalkani wuxuu tixraacayaa shir bishan Luulyo 10keedii lagu qabtay Jaamicadda Minnesota qolkeeda shirarka ee Willey Hall kana soo qayb galeen madax siyaasadeed ooh h ore, aqoonyahanno, culamada diinta, suugaan yahanno iyo dadweyne kale oo faro badan. Shirka oo mawduuciisu ahaa “Quudhsigu Qiil Ma Leeyahay”, ahaana kii labaad ee lagu qabto isla goobtaa, waxa lagasoo jeediyey aragtiyo kala duwan oo ku saabsan habkii ama sidii loo tirtiri lahaa caadada facaweyn ee dulmiga iyo quudhsiga ku saleysan ee lagu hayo qaybo laxaadle oo ka mida bulshoweynta Soomaaliyeed.

Haddaba qoraha maqaalkan waxay la tahay haddii la rabo in la tirtiro caadadaas fooshaxun ee diinta iyo dhaqanka hufanba kasoo horjeedda, waa in marka hore la helo sidii ay caadadu ku timid iyo sababta ay intaasoo qarni ugu xididdaysatay bulshada Soomaaliyeed.Sideedaba, caado xumi waa jirro jirrana daawadeeda lama helo haddii aan baaritaan lagu samaynin lana ogaanin sida iyo meesha ay ka timid.Markaa intaanan aragtideyda ka jeedinin dawada jirradaas, marka hore waxaan isku dayayaa inaan aragtideyda ka dhiibto sidii ay caadadan fooshaxun ee faca weyni billowgii ku timid.

Adduunka aynu ku noollahay, waxa hore ugu jirijiray ama haddaba ka jira noocyo kala duwan oo ah quudhsi qabiil, mid jinsiyadeed ama mid qarana. Sida ay u badan yihiin, quudhsiyadaasi waxay u kala baxaan afar nooc:

1. Quudhsi ku yimid xoog sheegasho badheedha oo keentay gumeysi qaran ama qabiil. Tusaale: Gumeysigii ay dalalka reer Yurub qaarkood ku gumeysanayeen dalalka adduunka qaarkood.Tan heer qabiil ahna waxa ka mida gumeysiga iyo quudhsiga ay qabiilka Tutsi-ga ee deggen labada dale e Rwanda iyo Burundi ku hayn jireen qabiilka kale ee la dhaho Hutu-ga. Balse iyaduba waa yaabe, qabiilka Masai-da ee dalka Kenya waxay quudhsadaan iskalana weynyihiin qabiilooyinka kale ee dalkaas inkastoo ay iyagu manta ugu liitaan uguna dambeeyaan xagga horumarka.

2. Quudhsi xirfadeed: Waxa la ogsoon yahay in dalaka adduunka qaarkood oo ay Soomaaliya ku jirto uu weli ka jiro quudhsi xirfadeed kaasoo lagu quudhsado tumaalaha,ugaarsatada, dherileyda iyo xataa beeraleyda

3. Quudhsi midab: Waxa laga warqabaa in dalal badan oo adduunka ah uu ka jiro quudhsi midab Inkastoo kan qudhigiisu uu Soomaaliya ka jiro, waxa si gaara ugu can baxay dalalka Koonfur Afrika iyo Mareykanka oo dadka midabka caddi ay ku quudhsadaan dadka madow iyo kuwa kale ee aan caddaanka ahayn.

4. Quudhsi ku yimid xeer dhaqan: Noocan quudhsiga qoruhu wuxuu aaminsan yahay inuu Soomaalida ku gooni kana jirin dal kale oo addunka ah. Sababtu waxay tahay qabiilka loo yaqaan Midguhu sinaba ugama duwana wayna la dhasheen qabiilooyinka kale ee Soomaaliyeed waxase keenay gumeysiga iyo quudhsiga qoorta loo suray xukun qhaqan oo xeer galay.Waana qodobkan ka maqaalka intiisa kale ku saabsan tahay.

Bal horta aan ku billaabee, magaca midgaan waa magic qabiil ee maaha xumaan iyo cay. Nasiib darro ilaa hadda ma jiro qof ku guuleystay inuu sheego macnihiisa, haseyeeshee, taas wuxuu la qabaa magacyada qabiilooyinka kale oo aan weli la garan macnahooda. Tusaale: Hawiye, Daarood, Isaaq(maaha Isxaaq), Gelledi, Jejeelle, Udaajeen, Gugundhabe, Arab, Kablalax iwl. Waxay cay u ekeysiiyey magaca Midgaan waa quudhsiga joogtada iyo midiidinnimada la baday reerka. Midda kale, Midguhu waa qabiil isbahaysi ku dhismay sida qabiilooyinka kale ee Soomaalida ee maaha reero abtirsiin wadaaga.

Sida culumada taariikhdu qabto, ummadaha taariikhdooda waxa loo baaraa afar qaab oo kala duwan:

1. In la derso wixii qoraallo ah ee hore looga qoray

2. Dhul-qodis cilmi baaris (archeology)

3. Taariikhda ummaddu afka iskaga gudbiso sida sheeko xariirrada iyo suugaanta kale(oral history)

4. Afka ummadi ku hadasho oo ereyadiisa la derso lagana raadiyo dhaqammada hore ee ku duugan (Historio-linguistics)

Haddaba, kol haddii ayna Soomaalidu lahayn wax taariikha oo qoraala oo ay awoowyadood usoo gudbiyeen,isla markaana baaritaanka degaamada dhulka lagu sameeyey ay aad iyo aad u koobnaayeen, meesha qudha ee laga raadin karo taariikhdoodii Islaamka ka horreysay waa afka Soomaaliga ereyadiisa iyo sheeko xariirradiisa.

Sida ku cad sheeko xariirrada Soomaalida, gaar ahaan tan gobollada woqooyi iyo gobolweynaha Somaalida ee Itoobiya, Soomaalidu waagii hore waxay isu barbar tiillay Aji iyo Midgo. Taas macnaheedu wuxuu yahay waqti fog oo qarniyaal badan laga joogo ayaa qabiilooyinka Soomaaliyeed ee aan ka ahayn Midgaha waxay samaysteen isbahaysi la magac baxay Aji. Waxa la ogsoon yahay in mar walba oo qabiilooyin kala duwan oo Soomaaliyeed ay isbahaystaan, waxay iska bahaysan jireen colaad. Marna isbahaysi nooc kale ihi ma dhexmarin qabiilooyin Soomaaliyeed. Marka inta la ogyahay, isbahaysigaas ajiga waxa lagula dagaalamay Midgaha oo waqtigaas ugu cudud weynaa qabiilooyinka oo ku amar ku taagleyn jiray. Waxa kale ee iyaduna xusuus mudan in qabiilka yibruhuna waqti lasoo dhaafay ay ku amar ku taagleyn jireen degaamada Soomaliyeed. Sida muuqata, dulmi-falka Yibraha ayaad mooddaa inuu ka dambeeyey kan Midgaha sababtoo ah dadku weli waxay xusuusan yihiin magicii boqorkooda oo la oran jiray Bucur Bacayr iyo sheekooyin la xiriira falalkiisii fooshaxumaa.

Sida taariikhda qorani ay muujineyso, qarnigii 17aad ayey qabiilooyinka Soomaaliyeed mar labaad soo nooleeyeen isbahaysigoodii ahaa Ajiga Markan waxay kula dagaallameen dowladdii Ajuraanka ee waqtigaas ka talineysay inta badan degaamada Soomaalida.Marka Saddexaad ee uu isbahaysigaasi shaqeeyey wuxuu ahaa qarnigii 19aad oo lagu jebiyey Oromadii degganeyd dhulka jubbooyinka.

Haddaba sida ka muuqata dhaqanka Soomaalida ee waajahan Midgaha, waxa muuqata markii ajigu jebiyey in lagu soo rogay xeer u diidaya inay meel wada degaan ama xoolo yeeshaan, taasoo ku qasabtay in la qaybsado iyo inay ugaarsi ku noolaadaan. Waxa kale ee xeerka lagu gooyey inaan wax xiditinnimo ah ayna dhex mari Karin iyaga iyo qabiilooyinka kale ee Ajiga.

Haddaba marka aynu intaa kasoo gudubno, su’aasha manta taagani waxay tahay xeerkaa quudhsiga ee aynu soo sheegnay manta qiil ma leeyahay? Haddii aan wax kaleba la eegin, caqliga saliimka ayaaba ku tusaya in dambi waliba uu leeyahay ciqaab muddeysan. Caddaaladda ilaahiga iyo tan dadku sameysteen midna ma oggola ciqaab boqolaal sano iska socota oo aan dhammaaneyn. Waana sidaas awgeed sababta aanuu manta quudhsigu wax qiila u lahayn oo uu ku salaysan yahay badownimo, macangagnimo, jaahilnimo iyo weliba dhaqan gaalnimo ( caado jaahiliya).

Sida uu Cabdirasaaq Xaaji Xuseenba ka yiri shirka, anigana ay ila tahay, caadadaa fooshaxun ee quudhsiga ihi waxay toos ugu xirantahay nidaamka qabyaaladda ee Soomaalidu ku dhaqanto, wayna adagtahay in la tirtiro inta aynu isu qabiil sheeganayno. Qabyaaladda fooshaxumi waa tan ku shaqaysa isla-weynaan beena, raga iska dhici, sadbursi hel iyo rag waran baa kaa reeba ee weedhi kaama reebto. Qorahan waxay la tahay Soomaali oo dhan baa jirran una baahan in la daweeyo, la wacyi geliyo, wax la baro, la ilbixiyo, la islaamiyo laguna hanuuniyo sidii ay noqon lahaayeen ummad casriya oo adduunka la saan qaadda.

Waxa iyaduna ammaan mudan si diirranna loosoo dhoweeyey oo uu soo jeediyey Cabdirasaaq in dowladda ay Soomaali samaysan doonto lagu guubaabiyo inay xeerka ummadda loo dejinayo (Dastuurka ku-meelgaarka) lagu daro qodob horumar gaara lagu gaarsiiyo reeraha la quudhsado, oo la mida ama kasii xeeldheer kadalkan ka jira ee loogu talagalay horumarinta dadyowga midabkale(Affirmative Action).

Waxase nasiib darro weyn ahayd in ku sheeganaya aqoonyahan suugaaneed uu shirka u adeegsaday dano qabiil isagoo rajiimkii dhintay ee kelitaliska ahaa ku ammaanay inuu horumar gaarsiiyey reerahaa la quudhsado. Haddii aynaan is-yeelyeeleynin, rejiimku reeraha wuxuu u adeegsan jiray keliya inuu ku laayo kuna tunto kuwa kasoo horjeeda ee iyaga wax la taaban karo uma qabanin. Waxase hubaala “aqoonyahankaa”, oo ahaa dadkii rejiimku magaca u yeelay oo muufadiisuna maraqa ku jirtay, inuuna manta qaxowti noqdeen haddii sida uu ku doodayo rejimku uu ahaa mid wax hagaajinaya oo horumar innoo hogaaminaya.

Haddaba si loola dagaallamo loona yareeyo quudhsiga dulmiga ee lagu hayo reerahaas walaalladeenna, waa in:

1. La sameeyo wacyigelin ballaaran oo xagga diinta ah, iyadoo marka hore culumada diinta loo qabanayo aqoon isweydaarsiyo ay ku falanqaynayaan mawduuca iyo istaraatiijiyada ay adeegsanayaan. Waa in si cad oo aan gabbasho lahayn loogu sheego dadweynaha Soomaaliyeed in isquudhsiga qabyaaladeed uu yahay dhaqan gaalaad uu Rasuulkii Ilaahay(Nabad iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee) si cad innoogu sheegay. Dadka waxaba wacyigelin ugu filan iyadoo loo akhriyo qudbaddi dardaaranka ahayd ee uu Nabigu u jeediyey ummadda islaamka xajkiisii ugu dambeeyey (Xajul widaac), kuna tiiqtiiqsaday sinnaanta ummadda muslimka ah.

2. La qaado olole ballaaran oo suugaaneed iyo weliba warfaafineed oo dadweynaha lagaga dhaadhicinayo xumaanta uu leeyahay quudhsigu iyo weliba sida uu turunturro ugu yahay horumarkeenna dhaqan-dhaqaale.

3. Waa in waxa aynu sheegeyno daacad ka noqonnaa meelna ugu soo wada jeedsanna ciddi guur ka hor joogsata wiil ama gabadh iyadoo ku saleyneysa caadadaa gabowday ee fooshaxun

Gabagabadii, waxaan ku guubaabinayaa dadweynaha Soomaaliyeed in doodda dhibaatada quudhsiga lasii wado iyadoo la adeegsanayo wargeysyada iyo noocyada kale ee warfaafineed qof walibana ra’yigiisa soo gudbiyo.Quudhsigu waa cudur bulsho ka hadalkiisuna wuxuu soo deddejiyaa dawadiisa.


Abukar Ali
E-mail: abukarali@usfamily.net

1 Comments:

  • At 11:57 am, Blogger Unknown said…

    aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay sida fiican nood uga hadashay quursiga iyo dhibaatada uu u geeyo shacabka markaas is quursanayo, aniga waxaan aaminsanahay in dhibaatada hada ka jirta dalka soomaaliya eey number one ugu wacan tahay is quursiga, reer hebel baan nahay, ee adigu maxaa tahay.
    waxaa muhiim ah inaan bilaawno sidaan dadkeena jiran ee dhibaatada jaahilnimada ahi heysato inaan baraarujino, dhalinta yaryar waa in la baraa wadaninimo iyo soomaali jaceyl ku dheehan xadaarada soomaaliyeed sida tan aanu laheyn diinta islaamka ka hor. hadaadan ogeyn meeshaa ka timid , ma garan kartid meesha aad u socoto.

    waa ku mahadsantahayn qoraalkan wanaagsan.

     

Post a Comment

<< Home