About The Horn

Monday, January 02, 2006

DHULKII ILAAHYADA

Abukar Ali

Waxa adduunku ka warqabaa inay Soomaalidu tahay ummad siyaasadda iyo la socodka wararkaba aad ugu maskax furan marka la garab dhigo ummadaha kale ee qayrkooda ee ay isku heerka yihiin. Malaha taas waxa ugu wacan dhaqankooda ku salaysan xoolo raacatada reer guuraaga ah. Waxa la ogsoon yahay in qofka xoolo raacatada ee weliba reer guuraaga ahi uu wararka uga baahi badan yahay kan meel qudha deggen ama beer falatada ah. Sababtu waxay tahay wararka ku saabsan roobka, daaqa, jirrooyinka xoolaha ku dhaca iyo xiriirka colaadeed ama nabadeed ee beelaha intuba waxay toos saameyn ugu leeyihiin nolol maalmeedkooda. Sidaas awgeed, maadaam siyaasadduna tahay maamulka hadba meesha ka jira iyo xiriirka bulshada, Soomaalidu si aada ayey u daneysaa labada arrimood ee aan soo sheegnayba.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa "Beenaale marqaatigiisuu fogeeyaaye", hadalka qoruhu kor ku sheegay waxa si toosa u caddeynaya labada maahmaahood ee ay Soomaalidu ku maahmaahdo. Tan hore waxay tahay : War la qabaa xiiso male. Maahmaahdan oo aad macnaheeda wada garaneysaani waxay toos u qeexaysaa xeerka ugu weyn ee ay warfaafinta casrigu ku shaqeyso. Taas macnaheedu wuxuu yahay wakaaladaha wararka tebiya ee adduunka haddii mid ka midihi ay war soo tebiso hal ilbiriqsi ka hor kuwa kale, keeda ayaa adduunka dhami qaataa kuwa kalena warkoodu qiimo ma yeesho oo wuxuu ku dhacaa war laqabaa xiiso male. Waxa mid aad loola yaabo ah dad reer baadiye ah oo weliba reer guuraayihi inay adduunka kaga waayo aragsanaadaan kagana ilbaxsanaadaan xeerka ugu weyn warfaafinta.

Maahmaahda labaad ee iyaduna kaba sii yaabka badan tan kor xusani waxay tahay: "Sabbatiweyn haddii aad joogto himiladaada bar baa la qarsadaa." Bal marka hore, Sabbatiweyn waa buur ku taal degaanka magaalada Dhagaxbuur ee ka tirsan gobolka Soomaaliyeed ee Ethiopia. Haddii uu qoruhu waraystayna waxa la sheegay inay buurtu leedahay jaranjar dhagaxa oo dusheeda lagu fuulo, halkaasoo lagu dhagax tiro badan oo tuuran ay muuqatona inuu ka haray dhismoyaal hore oo burburay. Haddaba maahmaahda ka sokow, sheekada qudha ee Sabbatiweyn laga hayo waxay tahay inay meesha ka jirtay boqortooyo hore oo ay ka talin jirtay boqoradda loo yiqiin “Xeedho”. Dadka qaarna buurta ayeyba u yaqaanaan Sabbati-Xeedho. Intaas oo dhan marka laysu geeyo, waxa an shaki marnaba lahayn in meesha ay ka jirtay ilbaxnimo hore iyo qaab dowladeed oo boqortooyo ku dhisnaa.

Tansee yaabka yaabkiisa loona baahan yahay in la baaro oo loo fiirsado waxay tahay Sabbatiweyn oo keliya maahee waxa kale ee dhulweynaha Soomaalida ku kala baahsan tobannaan meelood oo kale oo aan wax sheeko ahna laga haynin kana muuqdaan dhismoyaal dhagaxa, godad dhulka hoostiisa iyo buurahaba laga qoday oo ay sawirro iyo faro ku yaallaan tusayana ilbaxnimo hore oo meesha ka jirtay kumanyaal sano ka hor. Waxa qoruhu aaminsanyahay raadadkaasoo dhami inay yihiin haraagii ilbaxnimo hore oo aad u da’ weyn kana horreysay kuwa la sheegsheego oo dhan, sida Sumaria (Ciraaqda manta) iyo masartii faraaciinta.

Sida culamada adduunku ay qabto, ummad taariiqdeeda waxa loo baaraa afar siyood:
1. In la derso wixii qoraallo ah ee jira kuna saabsan taariiqda ummadaas
2. Baaritaan lagu qodo dhulka degaamada hore ahaa
3. Wixii sheeko xariira ee ay daku weli sii hayaan
4. Afka ummaddaasi ku hadsho oo la darso lagana raadiyo dhaqamadoodii hore ee lumay, gaar ahaan ereyada afku sidii ay u unkameen iyo wixii laga dhex heli karo.

Inta la ‘ogyahay, awoowyadii hore ee dadka Somaaliyeed ugama ayna tegin wax taariiqa oo qoraala. Sideynu hore usoo sheegnayna, culamada taariiqda dhulka raadiyaa dalka Soomaaliyeed ugama ayna hawlgelin si hagar baxa, iyagoo saluugsanaa muuqaalka dalka iyo weliba iyagoo lafahooda u cabsanayey. Sideedaba ummadi kol haddii ayna far lahaan jirin, waxyaalaha sheeko xariirka ee ay haysaa ma dhaafsiisnaado in ka badan 200 oo sano. Intaa wixii kasii fog waa la illoobaa oo way lumaan. Marka ay haddaba arrintu sidaa tahay, waxa cad Af-Soomaaligu inuu yahay meesha keliya ee ugu dhow uguna qaraj yare e laga raadin karo dhaqamadeenii hore iyo weliba qaar ka mida taariiqda ummadda Soomaaliyeed Islaamka ka hor. Sababta Islaamka ka hor looga diganayo bartilmaameedka waxay tahay laba sababood: Waa midda horee, qorahani wuxuu aaminsan yahay dadka Af-Soomaaliga ku hadlaa inay Islaamka ka hor jireen. Tan labaadna, intii diinta Islaamku jirtay waxa la heli karaa qoraallo dhowra oo dalka laga qoray.

Haddaba qoruhu isaga oo aan aqqon gaara u lahayn cilmiga luqadaha (linguistics) ayaa laga billaabo 82dii waxa uu dareemay mudnaanta ay leedahay iyo baahida loo qabo in taariiqdii Soomaalida ee hore laga raadiyo afkeeda, gaar ahaan qaab-dhiska iyo sida ay u unkameen ereyada afku (Etymology). Inta la ‘ogyahay, qoraha hortii waxa jiray culumo shisheeye oo sannadihii toddobaatanaadkii baaritaan ku sameeyey qaab-unkanka ereyada Af-Soomaaliga, haba u badnaado nin qabiira oo Ruusha. Haseyeeshee, qorahani mar walba waxa uu aaminsanaa aqoonyahannada iyo culumada shisheeye inayna guul weyn ka gaari Karin baaritaankaas sababtoo ah dadka aan afka u dhalani wax dareena uma laha dhawaaqa ereyada iyo qaabka xubnuhu u kala goi’ karaan, iyo weliba macnaha xubini yeelan karto.

Markuu qoruhu go’aansaday inuu baaro qaab-dhiska ereyada Af-Soomaaliga iyo xubnaha erey waliba u kala baxo, waxa lagama maarmaan uu u arkay inay habboon tahay inuu si dheeraada u darso taariiqihii ilbaxnimooyinkii hore ee addunka, gaar ahaan kuwii ka jiray Afrika iyo Bariga Dhexe, diinta kiristanka iyo diinta Islaamka. Intaba qoruhu waxa uu u arkay inay xiriir iyo saameyn ku leeyihiin taariiqda geeska Afrika, gaar ahaan ta Soomaalida.

Horta intaynaan u gudbin natiijadii kazoo baxday baaritaanka qoraha, bal aynu marka hore wax ka iftiiminno wixii laga ‘ogyahay taariiqda dalka Soomaaliyeed Islaamka ka hor iyo wixii laga qoray. Waxase nasiib darro weyna , inkastoo culumada taariiqda dhulka ka baarta (archeologists) iyo kuwa ku taqasusay baaritaanka lafaha duugga (Paleontologists) ay inta badan isku raaceen in dadka adduunweynuhu ay kolkii u horreysay kazoo billaabmeen qaaradda Afrika, gaar ahaan bariga Afrika, culumadaasi marna baaritaankooda kuma ayna darin dalka Soomaalida. Waxay aad xoogga u saareen dalalka Kenya, Ethiopia iyo Tanzania, kuwaasoo ah dalal ay dowladahoodu ka leeyihiin dano gaara, kuwo dowlado kiristan ihi ka taliyaan lagana soo dhoweeyo dalxiiska reer Yurub. Dalka Soomaalida oo la wada ‘ogyahay inuu taariiq ahaan iyo jiyoolojiyo ahaan intaba ka wada da’ weyn yahay marna culumadaasi cag mayna soo dhigin. Waxa la yaabka lihi waxay tahay, culumadu ma taariiq iyo xaqiiqo raadis bay ahaayeen mise waxay daneynayeen iyaaso, ganacsi iyo dalxiis ?

Inta laga warqabo, xiriirkii u horreeyey ee xadaarad adduunka ka jirtaa ay la soo yeelatay Geeska Afrika waxay ahayd sanadii 3000 BC (saddex kun oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise). Waqtigaa waxa la sheegay in doon ka timid xadaaraddii ama dhulkii loo yiqiin Sumaria (dalka manta loo yaqaan Ciraaq) ay soo gaartay xeebaha Geeska Afrika, iyadoo malaha ujeeddo ganacsi u socotay. Malaha aqristeyaasha xiisey u yeelan lahayd inay ogaadaan in reer Sumaria ay midabka Soomaalida oo kale lahaayeen disanna jireen aqallo u eg aqal Soomaaliga baadiyaha oo caw ka samaysan lehna edeggi waxaraha. Waxa kale ee iyaduna xiiso leh in sanamkooda ugu weyn ee ay caabudaan la odhan jiray MARDUUG. Haddaba sheekada laga helay burburkii xadaaraddaasi waxay sheegeysaa in MARDUUG beri uu u dhoofay dal shisheeye halkaana lagu dilay oo la xabaalay, muddo ka dibna uu soo baxay kuna soo noqday dalkiisii Sumaria. Haddaba waxa la yaab leh in magaca MARDUUG macnihiiso Af-Soomaliga uu ku noqonayo sidoo kale kii mar la duugay.

Malaha qoraalka taariiqeed ee ugu da’da weyn uguna faahfaahsan ee laga qoray dalka Soomaaliyeed waa kii ay ka qoreen masaaridii hore ama faraaciintii ninba siduu u yaqaanno. Waxa la ogyahay faraaciintu inay la lahayd dalka Soomaalida xiriir fog oo ku baahsanaa kumanyaal sano, mase cadda xiriirkaasi qoorta uu billaabmay. Haseyeeshee, qoraalka ugu faahfaahsani waa ka xiriira socdaalkii boqoraddii caanka ahayd ee Hatshepsut ay ku timid dalka Soomaalida 1500 BC (ka hor dhalashadii Nebi Ciise ama 3500 ). Boqoraddu waxa la sheegay inay wadatay 30 doonyood oo badeecad ganacsi ku raran. Hatshepsut markii ay kazoo degtay meel ka mida xeebaha dalka, waxa sheegay inay ka hor yimaaddeen boqorlkii iyo boqoraddii dalka oo markaa loo yiqiin "Puntland".

Waxa kale ee la sheegay in boqorka iyo boqoraddu Hatshepsut ku yiraahdeen: "Maxaad naga soo doontay, waatay awoowyadaa dalkan ka go’eene?" Waxa hadalka boqorku muujinayaa in xiriir intaa ka fogi soo jiri jiray muddana la kala maqnaa.
Qoraalladii faraacintu ka tagtay waxa kale ee ay sheegeen in boqor kasta oo ay laayeen marka la caleemo saarayo uu marka hore xaj u tegi jiray dhulka "ilaahyada" – magic kale oo isna loo yiqiin dhulka Soomalida – halkaasoo wadaaddo lubaan ugu shidi jireen uguna ducayn jireen. Waxa kale ee dhaqankooda ka mid ahayd in boqorku (fircoonku) dhexda ku xirto boqorkii ay gabadha Soomaaliyeed dhexda ku xiran jirtay oo kale, isagoo isla markaa wata ul wagara oo uu rumeysnaa inay leedahay buruud ay cadowga ku jebiso.

Faraaciinta oo la hubo inay u ekaayeen Soomaalida, dhaqamo fara badan ayey la wadaagi jireen dadka Soomaalida afkooduna wuxuu ahaa af la walaala af-soomaaliga. Faraaciinta iyo Soomaalida labaduba waxay dhaqan u lahaan jireen inay meydka la xabaalaan qalakiisa gaar ahaaneed waxayna caabudi jireen sanamyo isku mida – kuwaasoo qoruhu gadaal ka caddeyn doono in Soomaalidu lahayd oo faraaciintu ka qaadatay. Waxa kale ee qoruhu dareensan yahay in magaca "Punt" uu ahaa awoowgii ay kazoo tafiirmeen dakii ree Puntland (? Malaha waaba Phut-kii ina Kuush Bin Xaam Bin Nuux ahaa ee Baybalku ku sheegay aayadda Genesis 10: 6) . Magacase qoraaga ka yaabiyey ee ashqaraarka ku riday waa "Dhulkii Ilaahyada".

Marka lasoo dhaafo haddaba wixii ay faraaciintu ka qortay dalka Soomaalida, qoraalada kale eek u xigay waa kuwii ay ka qoreen badmareennadii Giriigga ee la kala oran jiray Herodotus, Strabo, Pliny, Ptolomy iyo indicopleustas intii u dhaxaysay qarnigii kowaad iyo kii shanaad ka dib dhalashadii nebi Ciise. Sida ku taalla qoraaladaa, dalka Soomaalida waqtigaa waxa loo yiqiin Barbaria, dadkiisuna waxay ahaayeen Barbar. Waxay u ‘egtahay magaalo madaxda dalkuna waqtigaa inay ahayd Barbara (oo hadda Berbera loo yaqaan). Qoruhu waxa kale ee uu dareensan yahay dadka haada loo yaqaan Berberka eek u nool dalalka woqooyiga Afrika inay runtii ahaayeen Barbar sidoo kale, kana soo guureen dalkii ahaa Barbaria. Waxa kale ee iyaduna xiisole in fartii hore ee faraaciinta (Hieroglyph) la oran jiray Barba ayna ka billabmi jirtay xarafka "B". waxa haddaba la yaable in degaanka Xamarweyne ereyga "Barba" laftiisa lagaga dhaqmo, iyadoo macnaheedu yahay farta bar.

Intaa wixii ka dambeeyey, qoruhu wuxuu ereyo taariiqa oo waxtarle ka helay labada kitaab ee muqaddaska ee Injiil iyo Furqaan. Taariiq ahaan, labada kitaab waxay qiimo u leeyihiin iyaga oo da’doodu weyntahay kana hadlaya dhacdooyin markaa jiray iyo weliba kuwo hore oo lasoo dhaafay. Waxa kale ee ay wax weyn qoraha uga tareen baaritaanka ku saabsan xubnaha ay ka kooban yihiin erayada afka Soomaaligu. Tusaale ahaan, magaca ilaahay ee kitaabka baybalka hore (Old Testament) ku jira ee "Yahwe"(makii dambena loo rogay Yehova iyo Jehova ), oo afkii Yahuudda ee Cibriga ahaa, wuxuu aad ugu muuqdaa inuu la mid yahay amaseba kaba yimid ereyga af-Soomaaliga ee "Yaahuu".Afka Soomaaliga Yaahuu hadda waxa loogu dhaqmaa magangelyo laga magan gelayo wax xun ama wax halisa. Wuxuuse ereygu u muuqdaa inuu waqtigaa hore ahaa loona yiqiin magaca ilaahay oo toosa. Magaca kale ee “Pal”oo isna baybalku sheegay inuu ahaa magaca ilaahay lahaayeenna dadka reer kancaan (Cananites), wuxuu isaguna la mid yahay "Baal" oo isna macnihiisa oo kale af-Soomaaliga kule. Soomaalidu waxay oran jireen: "War side baan ku garan karaa waxa uurkaaga ku jira, ma uur-ku-baallaan ahay". Taas macnaheedu wuxuu yahay qofkii baal uurka kaga jiro ayuunbaa garan kara waxa qarsoon. Afkii Aramaygga (Aramaic), oo waqtigii Nebi Ciise noolaa lagaga hadli jiray Falastiin oo dhan, magaca ilaahay wuxuu ku ahaa "EBE" sida uu maantaba ku yahay Af-Sommaaliga. Waxa kale ee kitaabka Towraad ku yaal in nin la oran jiray "TUBAL" (waa tumaal oo la qaldaye), oo afar oday oo keliya ka tirsan jiray Nebi Aadan, shaqadiisu ahayd bir tunka (Genesis 4:22).

Waxase iyana aad la yaab u leh, in tafsiirka Quraanka ee Ibn Cabbaas sheegayo in meeshii Qaabiil ku dilay walaalkii Haabiil la oran jiray "GEERIYAAD", taasoo kitaabku sheegay inay afka cajamiga tahay macnaheeduna yahay meeshii geerida. Dalka Soomaalida, banka Geeriyaad waa lama degaanka ugu kulul ee uuna badan yahay dibqalloocu wuxuuna koofur kazoo xigaa magaalada Seylac (Zeila). Sida baybalku sheegayo, Zeila (Zilla) waxay ahayd Tubal (Tumaal) hooyadii.

Email: abukarali@usfamily.net

4 Comments:

  • At 7:47 am, Blogger Seid Abdillahi Abdi said…

    Abuukar waxa aan kuugu hanbalyaynayaa qoraalkaaga dheer, iyo deraasadda lafaguran ee aad ku samaysay af-Soomaaliga iyo taariikhda Soomaalida. Waxa aad xustay SANAMO badan, waxa se isweydiin leh, Bini-Aadmigu goormuu sanam samaystaa, maxaa se ku kelifa? Haddii taas la ogaado, waxa dahfurmaya qodob kale iyo aragti kale. Tusaale, waxa Baaybal-ka ku qoran, seddex wiil oo ka tafiirmay Qaabiil:1.Hoobal[Oo ahaa xikmaawi], Tubaal[Oo ahaa farsamayaqaan], iyo Yabaal[Oo ahaa xoollo-dhaqato][Doogga ayaa yabaala,xaga af-Soomaaliga]- Waxa aan ku tusaalaynayaa, in Bini-Aadamka uu ka dhasho qof heer gaadha, lagu jeclaado oo loo bogo, sida soo dhici-jirtay, marka uu qofkaasi dhinto, ay dadkaasu haddii aanay Cilmi-Diin ka reeba helin, ay sanam ka samystaan iyagoo jeclaysanaya inuu u waaro, taallo ayaa loo qotomiyaa. Sidaas ayuu ninka la dhihi jiray Hoobal ,ahaa qof Xikmaawiya oo la jeclaa, ka dibna taallo loo samaystay.Sanamka ka hor qof buu ahaa.Waxa mudan in taariikhdii qofkaas marka hore meel la keeno. Waxa aan dad kaloo Soomaali ahna ka maqlaa iyagoo dhahaya Sheydaanka ayaa Hoobal la dhahaa.

     
  • At 12:16 am, Blogger Seid Abdillahi Abdi said…

    Mar kale ayaan Abuukar, ku soo laabtay qoraalkaagan xiisaha leh. Waxa aan kuu tiraabayaa..MICNAHA Soomaalidu adeegsato ee YAAHUU! Carabiga ayuu ka soo jeedaa, oo waa YAA+HUWA = Isagiiyow! Nebi MUxamed ayaa ku ducaysan jiray sida la soo wariyay oo dhihi jiray "Yaa Huwa!"
    Mahadsanid

     
  • At 8:02 pm, Blogger Unknown said…

    Maxamed Mataan Jaamac
    Shaqo ayaad qabatay, laakiin waxa aad u baahantahay in aanad soomaalida uun leekaysiin. Matalan waxa aad tidhi waxa laga war qaabaa in soomaalidu..... yaa ka warqaba, yaa sheegay sidaas, halkee lagu sheegay, muuji si qoraalkaagu war galeen u noqdo. taariikh ayaa qoraysaa waxa aad isticmaalaysaa waxa la yidhi adiga oo aan sheegin cidda tidhi. fadlan shaqo wanaagsan ayaad haysa hambalyo laakiin inoo hagaaji waa wax aynu wada leenahay wixii dhaxal galka ihi.
    nabadey

     
  • At 3:54 pm, Blogger Bawdo said…

    Qoraagan wuxu hayaan dheer u galay raadinta taarikh fog, balse xaqiiqda eebbe og.

     

Post a Comment

<< Home